Xaalada isbadal ee DDS

By Ahmed Ahmad Abdi Abdulahi

September 13, 2017

Kadib dhibaatadii dhacdadii afarta bisha ogosto sanadkan 2018 ka ee kadhcaday magaalada Jig-jiga ee caasimmada dowlada deegaanka soomaalida ayaa waxay siweyn usaameemaysay dhamaanba bulshada iyo qoomiyada kaladuwan ee kunool jigjiga Iyo meelakamida magaalooyinkale kuwaasoo sababay khasaaro Naf, Maal Iyo Burburin hanti intaba. Kudhowaad bil kadib waxaa la,arkayaa Isbadalo siyaasadeed oo dadbadan oo deeganka Iyo somalida caalamkuba soodhaweeyeen.

Hadaba waxaa sihabsami-leh usocda kasookabashada dhacdadaasi taariikhiga ahayd. iyada oy sabab unoqotay dhisida dowlad cusub oo loodhanyahay. Kadib doorashadii madaxtinimo ee madaxweyne ‘Mustafe Muxumed Cumar.’

Dowlada cusub ee uu hogaanka uhayo madaxwaynuhu waxay didagdaga u bilawday xulashada mudanayaal wasiiro oo matala shacabka deegaanka soomaalida iyadoo guud ahaanba sihabsimaleh loodhamaystiray todobaadkii lasoodhaafay.

Isbadalka cusub ee deegaanka soomaalida kadhacay wuxuu guud-ahaanba ahaa mid Weyn oo Taariikhiya kuwaasoo dhamaanba shacabka deegaanku iyo dowladaha soomaalida geeska afrikaba siweyn oo iskumida usoodhaweeyeen.

Isbadaladan kadhacay deegaanka soomaalida kuwooda uguweyn waxaa kamid ahaa; Badalaada calanka dowlada deegaanka soomalida oo dib kiisii hore loogusooceliyay, Badalaada astaanta calanka, isku shaandhaynta Ciidamada deegaanka ee ‘Liyuu Booliska’ iyo wadashaqaynta wadamada jaarka ah sida Somaliland.

Dadbadan ayaa aaminsan in dawlada Mustafe ‘Cagjar’ ay tahay mid waxwayn kabadalikarta waxa ay dadku uguyeedhaan Cadaadiskii madaxweynihii hore ee Cabdi maxamud Cumar kaasoo kudhawaad 9 sano saahaystay talada deegaanka iyada oo xiligii uu xilka hayay ay jireen Tacadiyo kadhan Bini,aadamka sida ay cadaynayaan indhaha shacabka Iyo xogo sugan oo cadaynaya tacadiyadaasi.

Hadaba intee in le,eg ayay isbadaladani waxka-badalikaraan Horumarka deegaanka halkayse Hig-sanaysaysaa siyaasada mustafe Cagjar? Waa qoraal aan idin lawadaagayo aniga oo ah Qoraaga Qormadan Ahmed Abdi,

fikirkaaga waxaad kaga dhiibankartaa barta daalacashada Aarada ee hoos kutusan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s