Sidee kabixitaanta ingiriisku kabaxayo midawga yurub usaamaynayaa soomaalida ingiriiska dagan?

Sidee Go’aanka kabixitaanka ingiriisku kabaxayo Yurub usaamaynaysaa qotooxiga ingiriiska gaar ahaan soomaalida?

: WQ: Axmed Cabdi Cabdulahi

Free WordPress blogger

Dalka ingiriiska ayaa iskudiyaarinaya sidii ay ugabixilahaayeen khariida midowga yurub bilaha soosocda. Ingiriiska ayaa bilaabay olole ahaa inay iskaga baxayaan midnimida yurub horaadkii sanadkii 2016. Ololahan oo uu hormuud ka ahaa xisibiga Quunyar socodka ee conservative ka ooy uguwaynaayeen hogaamiyaha hada kuguulaystay talada Ra’isal wasaaranimada ingiriiska Boris Johnson.

Doorashadii guud ee shalay guud ahaanba kadhacday dalka ingiriisku waxay salka kuhaysay khilaafka dabada dheeraaday ee ku aadan mawqafka ingiriiska ee kabixida iyo kusiijirida Khariirada iskutaga Yurub. Doorashii shalay oo xisbiga talada hayaa kagaguulaystay tartamihiisa weyn ee xisbiga Labor ka codad dhan 43.6% ayaa suurtagalinkara in ingiriisku kudhaqaaqo hadafkiisa kabixitaanka midawga Yurub. Hadaba su’aasha Laiswaydiinayo ayaa ah sideey arintani usamaynaysaa soogalaytiga iyo Qoxootiga dagan ingiriiska hadii gaar ahaan Soomaalida hadii go’aanka kabixitaanku hirgalo? Saamayntan waxaa uguwaaweyn;

Kow in dadka haystaa dalkugalka (passport) ka ingiriiska ay ubaahandoonaan Ciqaamad (visa) shaqo kahor intayna bilaabin shaqo.

Laba in xadidanyahay iskusocodka qaarada yurub dhexdeeda taasoo hada kahor iskusocodka dalkugalku xor ahaa.

Sadex in waxwayn iskabadalidoonaan qaababka helid ee dhalashada cusub ee ingiriiska iyo xarayta. in dawladu caadis saarikarto dadka wali aan helin Sharciga ingiriiska.

Afar in caqabad soowajahayso soogalinta iyo soodajinta cuntada ka imaanaysa yurubta kale taasoo kor uqaadikarta sixirka suuqyada cuntada iyo dawooyinka dalka ingiriiska taasoo nolosha dadka hoos udhigikarta. Hababa iyada oo ingiriisku kamidyahay meelaha ugubadan ee soomaalidu kunoolyihiin marka lagareebo soomaaliya ayaa carqalad kunoqonkarta hadii ingiriisku ku adkaysto inay iskaga baxaan midowga iskutaga Yurub.

Fadlan hadaan kaheshay qoraalkayga fariin iigatag email-kaagana iireeb si’aad uheshid markasta oon qoraal sameeyo. Mahadsanidin!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s