AUGUST 14, 2020
Dharaaraha Aduunyada waxaa curisay Fadumo A. M. Yusuf “Derbi” oo ka curisay qiso dhaba. Waxay Faadumo ku daabacday tixdan bloggeeda ama baraheeda ay qoraaladeeda ku daabacdo ee fadumoyusuf.com/blog kaas ood kalasaconkartaan sugaanteeda iyo magaalada kale ay faadumo qorto.
Dhooleey aduunyada
Dharaaraa la joogaa
Dhawr sano’oo tirisoo
Laga dheelmanayoo
Hadba dhaayaheeduna
Cashar kuu dhigaayaan
Dhirbaaxooyin kulul iyo
Dhamac iyo rasaas iyo
Marbay tahay dhunkaal iyo
Nafta waxa dhibaayoo
Lala dhalan gadoomee
Dhafaruur bislaatiyo
Dheeman iyo dahabiyo
Marbay dhayda xooliyo
Malab dhiina ay tahay
macaankeedu dheeryahay
Dhibka markii aad daristaan
Rajadaadu yay dhiman
Hoos u dhicin hankaagii
Dharaaraha kharaarkihi
Ileen way dhamaaniye
Markaad dheeman iyo luul
Iyo nimco dhex joogtaa
Hays dhiganin Dhooleey
Dharaaraha macaankihi
Ileen way dhamaaniye
Dheemaneey aduunyadan
Dharaarahan is dabayaal
Dhigaa kaad ka doontee
Ku daahartay dhuuxiyo
Unugyada dhamaantood
Haduu calaf ku dhaafshaa
Qadar baan la dhaafine
Ka dhawrsug ayaamaha
Dhooleey wanaagsani
Dhawaan bay imaaniye
Ku dheeree salaadiyo
Dheemaneey cibaadada
Adkaartana ha dhiginoo
Ku dhakhtari naftaadoo
Dhaawacii qalbiga iyo
Beerka dhinacyadiisiyo
Sanbabada ku dhacaybay
Dhuxeey daweeyaan
Dhaqan sami gobaadeey
Gobanimada dhawroo
Dharaarihii horeeyiyo
Iska dhaaf wixii tagay
Calaf baa ku dhaafshaye
Ku dhardhaar ducooyin
Dhambaal hambalyo gaadhsii
Dhamo dumar wanaag iyo
Ubad dhawra oo wacan
Iyo khayr dhamaantii
Dinac yadiisa buuxshaan
©FadumoYusuf 2020