Waamaxay Hantiwadaag ama (socialism)

WQ: Dheeman Luul

Waa maxay Hantiwadaag “Socialism”

WQ: dheeman Luul

Inkastoo uusan hanti- wadaagu lahayn micna qeexan oo laysla wada yaqaan ama la isku wada raacsanyahay, hadana micnahiisa guud wuxuu noqon karaa in bulshadu wada yeelato hantida iyo wax soosaarka guud. Sida ilaha wax soosaarka, warshadaha, beeraha iyo khayraatka dabiicigaa. Hanti wadaagu wuxuu taariikh ahaan soo jiray mudo dheer laga soo bilaabo ilbaxnimadii giriiga iyo tii Iranka hayeeshee wuxuu sifiican usoo ifbaxay ka gadaal kacaankii warshadaha “industrial evolution” qarnigii 18. Markaas oo dadka xoogsatadaa warshadaha ka shaqeeya soo bateen, isla waqtigaas oo hadana saboolnimada dadka xoogsatadaa sii korortay halka dadka warshadaha leh ay hodan sii noqdeen. Taas oo keentay qaybtii hore ee qarnigii 19naad aqoon yahaniintii noolaa inay isku dayeen inay xal uhelaan dhibaatadii ka dhalatay kacaankii warshadaha. Aqoon yahaniintaas waxaa kamid ahaa, Roberto Owen, Henri de saint-simon, Charles Fourier and Karl Marks.

Sikastaba ha ahaatee, aqoonyanadaas aan kor ku xusay ayaa uga hadlahay ama usoo bandhigay siyaabo kala duwan sida uu noqon karo hanti wadaagu. Taas oo keentay inay soo baxaan qaybo badan oo kala duwan oo hanti wadaaga. Hayeeshee hanti wadaaga maanta layaqaan waxaa ugu muhiimsan labo qaybood oo kala ah “Democratic Socialism” iyo “Communism Socialism” ama Revolutionary Socialism.

Hadaba waa maxay “Democractic Socialism”?.

Habkaan dhaqaale wuxuu ogolaanayaa in dadku yeeshaan hantidooda gaarkaa hayeeshee waxsoosaarka guud iyo khayraadka dabiicigaa waa hanti-wadaag bulashadu wadaleedahay waxaana maamulaysa dawlad ku timid hab “Democratic” ah, iyadoo kasoo horjeeda in xukunka lagula wareego awood. Taasoo ka dhigaysa in bulshadii hanti-goosadka ahayd loo rogo bulsho hanti-wadaag iyadoo loo marayo wado ama hab “Democratic” ah ama dibu habayn. Hadaba hanti wadaaga noocaan ah wuxuu diidanyahay in hanti goosadka awood lagu afganbiyo ama kacdoon.

Sidaa darteed waxaa caadiya wadamada democratic ah inay inta badan ka jiraan xisbiyo ku abtirsada “Socialism” Hant-wadaag iyo kuwo ku abtirsada “Capitalism” Hanti-goosad. Hadaba xisbiyada ku abtirsada Hanti-wadaaga waxaa loo yaqaan “Social democracy”, labour party iyo wixii lamida. Axsaabtaan waa saldhig u ah mabaadiida guud ee hanti-wadaaga sida in la hormariyo tayada nolosha dadka si loo helo sinaan iyo cadaalad bulsho taasoo loo marayo in dadka lasiiyo caafimaad, guriyo, iyo waxbarasho tayo leh. Dhaqaalaha lagu maal galinayo adeegyadaan waxaa laga bixinayaa canshuurta dawladu ay dadweynaha ka qaado. Wadamada xisbiyadaasi ka jiraan waxaa kamida wadamada Europe ta galbeed, Canada, Australia, New Zealand iyo koonfurta America.

Communism Socialism” ama Revolutionary Socialism.

Habkaan dhaqaale wuxuu diidanyahay hantida gaarka looleeyahay “private property” iyadoo kadhigaysa in hantidoo dhan ay tahay mid lawada leeyahay. Hantida waxaa maamulaya dawlada iyadoo ku daboolaysa baahida bulshada sida cuntada, guryaha, caafimaadka, iyo waxbarashada. Habkaan dhaqaale iyo bulsho wuxuu qabaa in hanti-goosadka “Capitalism” lagu badalo qaab kacdoon oo ka yimid xoogsatada. Wuxuu kaloo kasoo horjeedaa habka kala saraynta bulshada. Hanaankaan dhaqaale oo loo yaqaan Communism waxaa cilmiyeeyay ama iftiimiyey Karl Marks oo ahaa philosopher a falsafadyaqaan German ah.

Sanadii 1917 waxaa wadanka Russia ka dhashay kacaan shuuci ah ama Communism oo ahaa kii ugu horeeyay oo aduunka ka dhashay kaasoo hadana burburay 1991. Hayeeshee waxaa maanta jira wadamo ku abtirsada ama isugu yeera communism . Wadamadaas waxaa kamida China, Cuba, North Korea, laws iyo Vietnam. Inkastoo wadamadaas isugu yeeraan inay yihiin wadamo shuuci ama communism hadana waxaa ka jirta hanti gaar loo leeyahay kaasoo meesha ka saaraysa sheegashada ina ay yihiin Wadamo “communism” ama shuuci ah. Wadamada Communistigaa waxay caan ku yihiin nidaamka halka xisbi, xisbigaas oo looyaqaan xisbiga shaqaalaha ama shuuciga iyagoo kasoo hor jeeda inuu wadanku yeesho xisbiyo badan oo tartami kara.

Iskusoo wada duuboo guud ahaan fikaradaan dhaqaale ee hanti-wadaaga ma jiro wadan si buuxda uwada hirgaliyey. Sababtoo ah mabaadiida uu ku dhisanyahay qaarkood oon la hirgalinkarin marka loo fiiriyo habdhaqanka dhaqaale ee bulshooyinka qaar. Sidaas darteed dal walba iyo bulsho walba waxay hanti-wadaaga uqaateen hab la jaan qaadi kara noloshooda bulsho iyo habkooda dhaqaale. Socialism gaar ahaan Communism ka ayaa waxaa lagu ceebeeyaa inay tahay fikrad aan socon karin. Isagoo markii danbe ka burburay bartamaha iyo bariga Europe dhamaadkii qanigii 20-naad. Waxaa kaloo lagu dhaliilaa inuu hor istaagayo hal abuurka gaarkaa. Sidookale guud aahaan hanti-wadaaga waxaa lagu dhaliilaa canshuuraha badan kuwaas oo hor istaaga inuu koro dhaqaalaha gaar ahaan dhaqaalaha gaarka loo leeyahay.

W/Q Dheman Luul

One thought on “Waamaxay Hantiwadaag ama (socialism)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s